
Labada magac guud ee “Nabad iyo colaad” waa kuwo aad u da’ wayn, lana kowsaday jiritaanka aadanaha. Ka hor intaan taariikhda la qorin, xilli-taariikheedyada loo yaqaanno “Waayadii arahsiga” iyo “Waayadii ugaadhsiga” dadka waa ay dhexmari jireen colaad iyo nabad labaduba, balse hadba midka ay doortaan labada qolo ee is haysaa, ayay dhaqayadeed maali jireen. Kuwa colaadda doorta, waxay u badnayd, in ay labaduba tirtirmaan ama in midkood la jabiyo oo la gumeeyo. Kuwa nabadda doorta, waxay u badnayd, in labaduba badhaadhaan oo nabad ku wada noolaadaan. Waayadaas, aaladaha iyo xeeladaha dagaal ee la adeegsan jiray waxay ahaayeen kuwo waxyeeladoodu aad u yar tahay, una kooban tahay.